
Dad badan waxay u malaynayaan in Budget-ku yahay xaddidaad ama liis dheer oo waxyaabaha aadan samayn karin ah. Laakiin Budget-ku wuxuu kaa caawinayaa inaad ogaato halka lacagtaadu ku baxdo, adiguna aad go’aansato halka aad rabto inay tagto.
Habka ugu fudud ee lagu bilaabi karo waa 50/30/20 Method.
Waa Maxay 50/30/20?
Qaado Net Income-kaaga (lacagta gacantaada soo gasha kadib canshuuraha) una qaybi saddex qaybood:
50% Needs (Baahiyaha): Kirada ama Mortgage-ka, cuntada, biilasha, gaadiidka, caymiska, iyo lacagta ugu yar ee deynta laga bixiyo.
30% Wants (Rabitaannada): Waxyaabaha aad jeceshahay laakiin aan muhiimka ahayn, sida maqaayadaha, dharka cusub, subscriptions, iyo safarrada.
20% Savings & Debt: Emergency Fund, maalgashi, iyo deyn bixin dheeraad ah.
Tusaale
Haddii Net Income-kaagu yahay $3,000 bishii:
Needs: 50%, $1,500
Wants: 30%, $900
Savings & Debt: 20%, $600
Qoyska iyo Sadaqada
Soomaali badan waxay bil kasta lacag u diraan qoyskooda ama sadaqo bixiyaan. Kharashyadaasna Budget-kaaga ku dar.
Waxaad xitaa samayn kartaa 50/20/20/10:
50% Needs
20% Wants
20% Savings & Debt
10% Qoyska iyo Sadaqada
Waxa muhiimka ahi waa in lacagtaasi qorshahaaga ku jirto.
5 Tallaabo oo Aad Maanta Ku Bilaabi Karto
Ogow Net Income-kaaga. Eeg inta lacag ah ee bishii kuu soo gasha.
Qor kharashkaagii bishii hore. Eeg Bank Statement-kaaga oo qor halka lacagtu ku baxday.
U qaybi saddexda qaybood. Needs, Wants, iyo Savings & Debt.
Isbarbar dhig 50/30/20. Halkee ayaad ka badan tahay? Halkee ayaad ka yar tahay?
Dib u eeg bil kasta. Budget-kaaga wax ka beddel marka loo baahdo.
Haddii Needs-kaagu Ka Badan Yahay 50%
Waa caadi. Qof walba xaaladdiisu isku mid ma aha.
Waxaad ku bilaabi kartaa 60/20/20 ama xitaa 70/20/10.
Waxa muhiimka ahi ma aha inaad boqolkiiba kasta si sax ah u raacdo. Waxa muhiimka ahi waa inaad samaysato qorshe aad ku sii socon karto.
Talo: Pay Yourself First
Marka mushaharkaagu soo galo, qaybta aad kaydsanayso si automatic ah ugu dir account gaar ah ka hor intaadan lacagta inteeda kale isticmaalin.
Bilow Maanta
Waxaan kuu diyaarinay Monthly Budgeting Template bilaash ah oo kaa caawinaya inaad la socoto Income-kaaga iyo kharashkaaga.
Download Monthly Budgeting Template →
Maqaalkani waa waxbarasho, mana aha financial advice.