Helping Somalis Grow, Invest & Thrive, In Our Own Language
Xoriyad waxay u taagan tahay inay Soomaalida ka caawiso inay si fudud u fahmaan lacagta, maalgashiga, iyo dhisidda hanti.
Hadafkeennu waa Xoriyad Dhaqaale.
Sababta Aan U Bilownay
Lacagta badanaa laguma barto iskuullada, bulshadeenna dhexdeedana si fiican loogama hadlo. Dad badan waxay ku koraan iyagoo aan baran sida lacagta loo maamulo, loo kaydsado, ama loo maalgashado.
Taasi waa sababta aan u bilownay Xoriyad.
Waxaan rabnaa inaan arrimaha dhaqaalaha ka dhigno kuwo si fudud loo fahmi karo, annagoo ku sharxayna af-Soomaali iyo qaab ku habboon bulshadeenna.
Laga bilaabo Personal Finance iyo Halal Investing ilaa Stock Market-ka iyo dhisidda hanti, Xoriyad waxay kaa caawinaysaa inaad hesho aqoon aad ku gaadhi karto go’aamo dhaqaale oo wanaagsan.
Ugu dambayn, hadafkeennu waa hal: Inaad gaadho Xoriyad Dhaqaale.
Waa Maxay Xoriyad Dhaqaale?
Xoriyad Dhaqaale qof walba isku mid uma aha. Qof waxay u noqon kartaa inuu deynta ka baxo. Qof kale inuu guri yeesho, ganacsi dhisto, maalgashado, ama uu helo xorriyad uu waqtigiisa iyo go’aamadiisa ku maamulo.
01
Aqoon
Baro sida lacagta, maalgashiga, iyo hantidu u shaqeeyaan.
02
Qorshe
Samee qorshe ku habboon hadafkaaga dhaqaale.
03
Joogtayn
Waxa ugu muhiimsani waa inaad bilowdo oo joogtayso.

Abdillahi Nur
Abdillahi Nur waa aasaasaha Xoriyad iyo entrepreneur doonaya inuu fududeeyo fahamka lacagta ee bulshadeenna.
Wuxuu khibrad u leeyahay Accounting iyo Finance, isagoo ka soo shaqeeyay shirkado waaweyn oo Maraykan ah, oo ay ku jiraan Fortune 500 companies. Sidoo kale, wuxuu khibrad u leeyahay maalgashiga iyo ganacsiga, taas oo sii xoojisay fahamkiisa ku saabsan dhisidda hanti iyo maamulka lacagta.
Maanta, wuxuu diiradda saarayaa inuu abuuro financial education iyo content af-Soomaali ah oo dadka ka caawinaya inay si fiican u fahmaan lacagta, maalgashiga, iyo dhisidda hanti.
Join Xoriyad
Xoriyad ma aha oo keliya meel aad wax ka akhrido. Waxaan dhisaynaa community ay Soomaalidu ku baran karto arrimaha dhaqaalaha, su’aalo isku weydiin karto, fikrado isku dhaafsan karto, iskuna dhiirrigelin karto.