Halal Investing

Halal Investing: Sidee Loo Hubiyaa In Stock-gu Xalaal Yahay?

•

5 min read

Stock walba xalaal ma aha. Baro waxyaabaha muhiimka ah ee la eego marka la hubinayo in Stock uu Shariah-compliant yahay.

var(--variable-owlctIcJt)

Markaad Stock iibsato, waxaad iibsanaysaa qayb ka mid ah shirkad. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah inaad ogaato waxa shirkaddu qabato iyo sida dhaqaalaheedu u dhisan yahay.

Marka la hubinayo in Stock uu Shariah-compliant yahay, waxaa badanaa la eegaa laba arrimood.

1. Ganacsiga Shirkadda

Marka hore, eeg waxa shirkaddu ka ganacsato.

Waxaa laga fogaadaa shirkadaha ganacsigooda ugu weyn ku lug leeyahay waxyaabo aan waafaqsanayn shareecada, sida:

  • Khamriga

  • Khamaar

  • Doofaarka iyo waxyaabaha laga sameeyo

  • Bangiyada ku shaqeeya Interest-ka

  • Adult entertainment

In shirkaddu ka shaqayso ganacsi la oggol yahay keliya kuma filna. Waxaa sidoo kale la eegaa dhaqaalaha shirkadda.

2. Dhaqaalaha Shirkadda

Shariah screening-ku wuxuu sidoo kale eegaa arrimo ay ka mid yihiin:

  • Deynta Interest-ka leh

  • Lacagaha ama Investments-ka Interest-ka leh

  • Dakhliga ka yimaada ilo aan Shariah-compliant ahayn

Standards-ka iyo Screeners-ka kala duwan waxay isticmaali karaan habab iyo xadad kala duwan. Sidaas darteed, waxaa fiican inaad isticmaasho Shariah screening tool lagu kalsoon yahay halkii aad adigu xisaabta oo dhan samayn lahayd.

Tools Kaa Caawin Kara

Waxaa jira tools kaa caawin kara inaad hubiso Stocks, sida:

  • Zoya: Waxaad ka raadin kartaa Stock oo aad ka arki kartaa Shariah compliance status-kiisa.

  • Musaffa: Waxay bixisaa Shariah screening iyo macluumaad kale oo ku saabsan Stocks.

  • Islamicly: Waxay sidoo kale bixisaa Shariah screening.

Xasuusnow in Screeners-ku mararka qaar ku kala duwanaan karaan natiijada sababtoo ah standards-ka ay isticmaalaan way kala duwanaan karaan.

Ka Waran Halal ETFs?

Waxaa sidoo kale jira ETFs loogu talagalay inay raacaan Shariah-compliant investments.

Tusaalooyin waxaa ka mid ah SPUS, HLAL, iyo UMMA.

Laakiin magaca “Halal ETF” keliya ha ku tiirsanaan. Faham waxa Fund-ku haysto, fees-kiisa, iyo screening methodology-ga uu isticmaalo.

4 Tallaabo oo Fudud

  1. Ka raadi Stock-ga Shariah screening tool.

  2. Eeg compliance status-kiisa.

  3. Faham sababta loo compliant-gareeyay ama loo diiday.

  4. Mar kale hubi waqti ka dib, sababtoo ah xaaladda shirkaddu way is beddeli kartaa.

Bilow Maanta

Haddii aad ku cusub tahay maalgashiga xalaasha ah, ka bilow Halal Investing 101, guide-keena bilaashka ah ee sharxaya aasaaska Halal Investing.

Download Halal Investing 101 →

Maqaalkani waa waxbarasho, mana aha financial advice ama fatwa. Su’aalaha diinta la xiriira, la tasho aqoonyahan ku xeel dheer.

Want More Financial Content?

Hel Weekly Market Brief oo si fudud oo af-Soomaali ah kuugu sharxaya wararka ugu muhiimsan ee Stock Market-ka, Crypto, iyo dhaqaalaha.

Free. Unsubscribe anytime.